Sawirro-Dhagayso: Madaxweynaha Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay, kana Tacsiyeeyey Geeridii ku timi Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee magaalada Jabuuti kaga qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta 10-May-2016 dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Boosaaso kusoo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Agaasimayaal ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, saraakiisha ciidanka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha ayaa salaan  iyo soo dhoweyn kadib waxaa loo soo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Boosaaso  halkaas oo uu Madaxweynuhu kula hadlay warbaahinta qaybeheeda kala duwan,  isla markaaana uga warbixiyey safarkiisii.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in magaalada Jabuuti ay kaga qayb galeen isaga iyo wafdigiisuba caalemo saarkii Madaxweynaha dalkaasi isla markaana ay kala kulmeen dadka reer Jabuuti iyo dawladdoodaba soo dhoweyen aad u heer sarraysa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kula kulmay magaalada Jabuuti madax badan oo ka tirsan dawladda Jabuuti isla markaana ay ka wada hadleen sii amba qaadidda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dawladda Puntland iyo dawladda  Jabuuti iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee labada dhinac.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale dadka reer Puntland ugu baaqay  in ay u diyaar garooban marxaladda cusub ee uu wajihi doono dalka Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay dib u eegista Dastuur iyo doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona.

“waxaa soo socda waqti adag oo dalka Soomaaliya uu marxalad kala guur ah wajihi doono ,waxaana  rajeynayaa in marxaladdaasi sida ay tahay loo wajoho, dadka reer Puntland-na meel walba oo ay joogaan ay u diyaar garoobaan ka qayb galka isbeddelka ka dhici doona  Soomaaliya 2016-ka,  hadday ahaan lahayd mid Dastuur iyo hadday ahaan lahayd mid doorashoba”ayuu Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayn,  Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, eheladii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali isla markaana waxa uu sheegay in ay dawladda Puntland u dirayso wafdi ka qayb geli doona Aaska Ugaaska oo ka dhici doona magaalada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud.

“waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa qoyskii, eheladii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timi Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaas Cali, waxaan Eebbe uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, samir iyo iimaanna ka siiyo idil ahaan ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Gaas.

Halkaan ka dhegeyso Codka Madaxweynaha

IMG_8177IMG_8180IMG_8181IMG_8185IMG_8190IMG_8195IMG_8199IMG_8203IMG_8211IMG_8215IMG_8218IMG_8221IMG_8222IMG_8223IMG_8225IMG_8227IMG_8231IMG_8232IMG_8234IMG_8235IMG_8237IMG_8240IMG_8242IMG_8243IMG_8259IMG_8261
Puntlandes.com

About The Author