Dhagayso: Golaha deegaanka degmada Gaalkacy oo ku eedeyay Gudoomiyaha Degmada inuu hanti lunsaday

11 May 2016 (Puntlandes) 13 Xubnood oo ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa eedeyn aad u culus waxay usoo jeediyeen maamulka degmada,waxaana ay marka sheegeen iney sharciga ku tunteen hanti badana lunsadeen.

222-9a4

Qoraal ay soo saareen ayaa lugu sheegay guddiga fulinta degmada Gaalkacyo inuu u gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha misaaniyad qaldan oo aan Golaha Deegaanku aysan Ansixin.

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Gaalkacyo oo lugu magaacabo Axmed Birjeed oo saxaafadda u akhriyay qoraalkaas ayaa wuxuu sheegay in la lunsaday dhammaan hantidii ummadda, waxuuna intaas kusii darey in lacagaha la lunsaday ay ka mid tahay mushaarkii iyo gunooyinkii shaqaalaha ee toddobadii bilood ee la soo dhaafay oo dhan 5,460,000,000 oo lacagta shillinka Soomaaliga ah.

Xildhibaan Birjeeb waxaa kalo uu sheegay in lacaga dhan 450,000,000 Shs lagala baxay khasanada dawladda.

Waxaa kaloo Xildhibaan Birjeeb uu sheegay in maamulka Degmaduu uu lunsaday Lacagtii o qoondaysnayd Nabadoonada magaalada, tii u qoondaysnayd Masiibooyinka dabiiciga iyo kuwo kale oo badan.

Xildhibaanka ayaa waxuu ugu baaqay dowladda Puntland iyo wasaaradda arrimaha gudaha iney badbaadiyaan hantida ummadda oo ay degdeg u soo fara-geliyaan arrinta ka taagan Gaalkacyo.
Dhagayso War saxaafadeedka

222-9a2

222-9a3
Puntlandes.com

About The Author