Deegaanka Dacdheer ee u dhexeeyey DDSI & Galmudug oo Dagaal dib u bilowday

12 May 2016 (Puntlandes) Wararka ka kasoo gaaraya Warbaahinta Puntlandes Degaanka Dacdheer ee DDSI ayaa sheegaya in Dagaalkii u dheeyey DDSI iyo maamulka Galmudug uu dib u bilowday Saaka, iasagoo dagaalku ka dhacay Dacdheer iyo Miir-cawleed.

221-5a2

DDSI ayaa Galmudug ku Eedeysay inay jabiyeen Heshiiskii lagu kala Saxiixday Magaalada Jigjiga, waxayna taasi Sababta inay baaqdeen Wafdiga maanta iman lahaa Magaalada Cadaado.

Dhawaan ayey ahayd markii ay Heshiis ku kala saxiixdeen DDSI iyo maamulka Galmudug ayna ku Heshiiyeen inaan dagaal dambe u dhicin.

Dhanaka kale Cadaado waxaa dib uga laabtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo  Shalay gaaray magaaladasi, kuwaas u tagay halkaasi inay Sugaan Amniga wafdoi Itoobiyaan ah oo kusoo wajahnaa Cadaado laakiinse u baaqday Dagaalka ay Galmudug ku qaaday aaga deegaanka Dacdheer.

Puntlandes.com

About The Author