Akhriso Aqoonyahan Ismail Aden Dirie waxa uu ka yir dadka leh Gobolka Banaadir ayaa la xaqiray oo Aqalka Sare laga qadiyey!!

24 May 2016 (Puntlandes) Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye Agaasimihii horre ee Hay’adda Daryeelka Bulshada Puntland isla markaana iminka ah Wasiirul Dawlaha Maaliyadda ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa barta uu ku leeyahay Facebook ga soo dhigay Qoraal uu uga hadlay Is yeel-yeelka Muqdisho iyo qaylo-dhaanta ah in Muqdisho Xaqeedii la duudsiyey oo laga qadiyey aqalka sare.

223-9a10

Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye  ayaa Qoraalkiisu u qornaa sidatan hoose:

 

Waxaan la yaabay is yeel-yeelka Muqdisho yaala, waxaa laga saxiixay Raiisul Wasaaraha DFS iyo madaxweynaha Puntland oo ay ogolaadeen in Galmudug oo Gobol iyo Bar ah aqalka sare ay ku yeelato 8 Xildhibaan oo la mid ah inta ay ku yeelanayaan Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo min 3 Gobol ka kooban, kuna laba jubaarma inta ay tahay Galmudug.

Sidoo kale waxaa la ogolaaday Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan oo laba Gobol ah inay yeeshaan inta ay leeyihiin Koonfur Galbeed yo Jubaland oo midkiiba 3 Gobol ka kooban yahay.

Puntland oo 5 Gobol iyo Bar ah waxay leedahay 11 Xildhibaan Aqalka Sare halkeey ka yeelan lahayd 17, kolka ugu yaraan si uunbeey noqon lahayd hadii la oran lahaa 11-ka Xildhibaan Waqooyi Bari oo ka kooban Mudug, Nugaal iyo Bari baa leh, markaana Sool, Sanaag iyo cayn (Buuhoodle) waxkale loo qoondayn lahaa, laakiin waa la iswada raaciyey markaasaa la yiri waxaad isku leedihiin 11 xildhibaan, halka Galmudug iyo Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan oo 3 Gobol iyo Bar ay ka leeyihiin 16 Xildhibaan meesheey ka yeelan lahaayeen 10 Xildhibaan hadaba waxaa ku ah dheeraad 6 oo kala ah 3-dii Muqdisho yeelan lahayd iyo min hal ay ka qaateen Koonfur Galbeed iyo Jubaland iyo hal Xildhibaanoo ay ka qaateen Puntland ogoow weli Puntland waxaa kaga maqan Waqooyiga (Somaliland) 5 xildhibaan.

Markii intaas la hubsadaa weli la yeeyahay aaway xaqii Muqdisho jawaabtoon la sii jiiddiidin waa howdkaas cidlada ah ee Galmudug ha u doontaan (ileen inaga Suudaanta ma aynaan keenine).

Aanba ogolaano in maanta Muqdiho ay ku noolyihiin dhowr boqol oo kun oo qof ogoow maadaama Soomaalidii wada deganayd ay deegaamadooda ku noqdeen sida Hargaysa, Boosaaso, Baydhaba, IWM, hadaba maanta dadka degan Muqdisho boqolkiiba 90 waa dadka dega Koonfurta Mudug ilaa Muqdisho goboladoodeeyna soo firaaqeeyeen, kumana harin deegaanadaa wax dhan 2 boqol oo kun oo qof ileen meel ay deganaayeen tobon kun oo qof maanta 40 qof baa degan ileen Muqdisheey kusoo wada aruureene.
Aloow yaa ku dhaha reer Muqdisho iyo intay isa sitaan waad guulaysateene guushaada waa loo baqaaye guushiina la carara!

223-9a11

Ismail Adam Dirie.

 

About The Author