Dhagayso: Madaxweynaha DFS ”Sax maha in Kenya ay qaxootiga Qasab ku celiso”

25 May 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay in wadahadal ku aadan dib u celinta qaxootiga uu la gali doono madaxda dalka Kenya.

222-4d2

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu sheegay in dadka qaxootiga ahi uu dalkooda u bahanyahay balse waqtigan uusan ahyn waqtigii ay ahayd  in dadkaasi lagu celiyo Soomaaliya.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay inay xireyso ama albaabada isugu dhufanayso xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma kuwaasoo ay kunool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo halkaa imaanayay tan iyo 1991 markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay Soomaaliya.
Dhagayso BBC oo waraysatay madaxweyne Xasan Sheekh

Puntlandes.com

About The Author