Sawiro: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo soo xiray tababarkii Madaxqaybeedyada Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha (HR Unit Heads)

Garowe: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo  soo xiray tababarkii Madaxqaybeedyada Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha (HR Unit Heads).

Garowe: Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 25-May-2016 soo gaba-gaboobay tababar ka socday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland, tababarkaas oo ay fulisay wasaaradu iyada oo la kaashanaysay gudiga xiriirinta mashruuca ee Xafiiska Madaxweynaha ee madaxtooyada .

Tababarkaas maanta loo qabtay Madax qaybeedyada Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha(HR Unit Heads) ee Hay’adaha iyo Wasaaraddaha ka faa’iidaysanaya mashruuca tayeynta iyo shaqo qorista -Bangiga Adduunku maal galinayo ee madaxtooyada Dawladda Puntland, kaas oo soconayey muddo 4 maalmood ah.

Tababarkan ayaa u jeedkiisu ahaa sidii aqoon iyo cilmi dheeraad ah loogu siyaadin lahaa shaqaalaha cusub ka hor inta aysan tegin xaruumahooda shaqo, iyo sidoo kale shaqo maalmeedka ay qabanayaan shaqaalaha cusub.

Nafiso Hassan Dadir iyo Abdishafi Farah Maxamed oo ku hadlay afka shaqaalaha cusub, ayaa sheegay in ay wax badan ka  faa’iideen mudadii uu tababarku socday, iyagoo sheegay in ay qaateen casharo kala duwan  oo ay bixinayeen khuburo ku takhakhustay casharadii ay bixinayeen, taas oo wax badan ka saacidi doonta gudashada waajibaadkooda shaqo ee maaalin laha ah.

Dhinaca kale ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahna Agaasimaha waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Marwo Barni Ciise Axmed, ayaa ugu horayn u mahadcelisay dhammaan dadkii ka qayb-qaatay suurta galinta tababarkan,  iyadoo si khaas ah ugu mahadcelisay Guddiga xiriirinta mashruuca ee Xafiiska Madaxweynaha(Project Coordination Unit-PCU) iyo tababarayashii bixinayeey casharadda mudadii uu socday tababarku, kuwaas oo ka kala socday, Jaamacadda PSU iyo Shirkadda Geopolicity Int.

Barni ayaa sheegtay in uu tababarku ahaa mid mirro dhal ah, isla markaasna la gaaray ujeedkii loo qabtay tababarka, kuna boorisay shaqaalaha tababarku u soo xirmay in ay aqoontii ay barteen ku camal-falaan isla markaasna keenaan is bedel dhab ah oo muuqda.

Agaasime Barni ayaa intaas ku dartay in ay shaqaalaha Cusub geeyeen afar Wasaaradood si ay  indhahooda ugu soo arkaan qabka wanaagsan ee shaqada dowladdu u socoto.

Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed  oo ah Xiriiriyaha  mashruuca  ayaa uga horayn uga mahadceliyeey Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha sidii hawlkarnimada lahayd ee ay u soo agaasimeen tababarka, islamarkaana ay u daadihiyeen mudadii uu socday tababarku, sidoo kale u mahadceliyeey tababarayaashii bixinayeey tababarka.

Xiriiriyaha Mashruuca ayaa sheegay in ay dedaal dheeri ah ugu jiraan  sidii mashruucani uu mirro dhal u noqon lahaa isla markaasna Dowladdu uga faa’iidaysan lahayd, welibana intaas kusii daray  in kor loo qaadi doono tay’ada iyo aqoonta shaqaalaha, isla markaana dhawaan la bilaabi doono tababaro lagu kobcinayo aqoonta shaqaalaha.

Sarkaalka ayaa ugu danbayntii wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha tababarka la siiyeey  in ay uga faa’iidaystaan sida ugu wanaagsan, isla markaasna daacad u noqdaan dalkooda iyo dadkoodaba.

 

Mudane Siyad oo ah Aggasimaha xiriirka Goleyaasha Madaxtooyada Dawladda Puntland, ayaa sheegay in ay Dowladda ka go’antahay sidii shaqo abuuris loogu samayn lahaa dhalinyaradda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba wax kusoo baratay,  Agaasime Siyaad ayaa intaas ku daray in  shaqalahan cusub ay wax badan ku soo kordhin doonaan shaqada Dowladdu u hayso shacabka oo ah in shacabka loo gudbiyo adeeg hufan.

Guddoomiyaha Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland Mudane Mustafe Siciid Shabac ayaa ugu hambalyeyey Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Xafiiska isku xirka mashruuca ee Xafiiska Madaxweynaha shaqada wanaagsan ee ay qabteen, isagoo sheegay  in tababarkanki u sahlidoono  shaqaalaha in ay u gutaan shaqadooda si hufnaan oo hawlkarnimo leh.

 

Dhinaca kale Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Shaaqalaha Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa u mahadceliyeey dadkii  ka qayb qaatay  in uu hirgalo tababarkani, isagoo sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ka go’antahay sidii loo kobcin lahaa tayada iyo xirfada shaqaalaha Dawllada Puntland.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in mashruucani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Puntland, sheegayna in  ay tahay markii ugu horaysay ee Bangiga Aduunku  mashruuc noocan oo kale ah uu ka fuliyo Puntland.

Wasiirka ayaa shaqaalaha kula dar-daarmay  in ay noqdaan shaqaale tusaale u noqda dhammaan shaqaalaha Dowladda Puntland, isagoona sheegay in Dowladdu qaadatay nidaam dib loogu eegayo shaqaalaha Dowladda (CIVIL SERVICE REFORM) kaas oo wax badan ka bedelidoonta adeega Dowladdu u gubsiso shabackeeda.

Ugu danbayntii, Shaqaalihii tababarku u soo idlaaday ayaa la guddoonisiiyeey shahaadooyin, waxana tababarka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed.

 


20160525_13024120160525_13024520160525_13025220160525_13030320160525_13032420160525_133603IMG_0983IMG_1004IMG_1017IMG_1032IMG_1035

Puntlandes.com

About The Author