Sawirro: Isbitaalka Garowe oo lagu daray qaybo cusub

Isbitaalka guud ee Garowe ayaa lagu kordhiyey qaybta ilkaha iyo qayb lagu xanaanayn doono Carruurta ku dhalata dhiciska.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Maxamed Xasan Carabay ayaa sharaxay qaybaha lagu kordhiyey isbitaalka, wuxuuna tilmaamay in qaybta ilkaha ay dowladda Jarmarlka ugu deeqday Isbitaalka, qaybta xanaanaynta Carruurta ku dhasha dhiciska waxaa isbitaalka ku dartay wasaaradda caafimaadka Puntland.

Waa markii ugu horaysay oo Isbitaalka Garowe uu yeesho qaybahaas, waxayna maamulku sheegeen inay horay u waayeen dhakhaatiir ku shaqayn karta qalabka.

Isbitaalka Garowe ayaa ah Isbitaalka ugu weyn gobolka Nugaal, waxaana la keena bukaano kala duwan oo laga soo qaado meelo badan oo kamida Puntland , maamulka Isbitaalka ayaa sheegay in  dhakhaatirtu shaqeeyaan 24 ka saac.

DSC07883 DSC07885 DSC07886 DSC07887 DSC07888 DSC07889 DSC07891 DSC07892 DSC07894 DSC07895 DSC07897 DSC07898 DSC07900 DSC07906 DSC07907 DSC07908 DSC07909 DSC07910 DSC07911 DSC07912 DSC07913 DSC07914 DSC07916 DSC07918 DSC07919 DSC07920 DSC07921 DSC07933 DSC07935

 

About The Author