Sawiro: Madaxweynaha DFS oo Danjiraha cusub ee Uganda Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay

26 May 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa maanta warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dalka Jamhuuriyadda Uganda u fadhin doona dalka Danjire Prof Sam Tulya Muhika.

Madaxweynaha ayaa danjiraha u xaqiijiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto xil gudashadiisa.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal, siiba dhinacyada tababarka ciidammada, tababarka shaqaalaha rayidka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo waxbarashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha ka codsadey inuu salaan iyo mahad celin ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda, Yoweri Museveni.

Danjire Prof Sam Tulya Muhika, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa wakiil uga noqdo, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono wadashaqeynta labada dal.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda, Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

145unnamed

Puntlandes.com

About The Author