Daawo Muuqaal: Madaxweynaha DFS oo waxyaalo badan oo XASAASI ah ka hadlay sheegayna inuu Musharax yahay

27 May 2016 (Puntlandes)  Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa maanta waxa uu waraysi aad u dheer siiyey Radio Muqdisho iyo SNTV, isagoo ka hadlay waxyaalo badan oo aad Xasaasi u ah.

Waraysiga madaxweynaha ayaa ahaa mid wajiyo badan lahaa kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Musharaxnimadiisa inuu muujiyo iyo in uu sheego shacabka Soomaaliyeed u sheego in waxqabad la,aantiisa ay sabab u ahayd Siyaasada ka jirta Soomaaliya ee Isbaaro isku dhigasho ah iyo inay Waqti aad u dheer ay qaadanayso Dib u yagleelida dawladnimadii Soomaaliya .

Waxaa wax ku cusub waqtiyadii dambe hadalada madaxweyne Xasan inuu si cad u sheego inaysan Soomaaliya aysan ka jirin dawlad la oran karo dawlada Soomaaliya ama tii la rabay, iyadoo madaxweynaha uu caan ku ahaa inuu yiraahdo waxaan nahay dawalad la aqoonsan yahay oo KMG ka baxday, waxaan madaxweyne u ahay dal caadi ah……

Waa su’aale maxaa bedelay hadaladii caynkaas ahaa ee madaxweynaha?

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey inuu Musharax madaxweyne yahay uuna ka qayb galayo Doorashada.

224-2c

Puntlandes.com

About The Author