Daawo Video-sawiro: Wafdi ka yimid JigJiga oo uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo Qardho lagu soo dhoweeyay

28 May 2016 (Puntlandes)  Wafdigan balaaran oo isimada ah kan soo kictimay magaalada Jigjiga ee Dowlad deegaanka Soomaaliyeed (DDSI) uuna hogaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Wiil-Waal ayaa shalay si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho.

Waxaana soo dhowaynta wafdigan ka qaybgalay Boqor Burhaan Boqor Muuse, Isimadii Qardho ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay, Maamulka gobolka kan degmada iyo shacabka Qardho.

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo goobta soo dhowaynta hadal kooban ka jeediyay ayaa Garaadka uga mahadceliyay safarkii dheeraa ee uu soo galay waxaa kaloo uu u mahadceliyay Garaadyadii uu kamid ahaa Garaad Jaamac ee uga hortagay magaalada Laascaanood iyagoo matalaya Isimada Qardho iyo waliba Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad wiil waal oo dhankiisa goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeyay wuxuuna aad ugu mahadceliyay Boqorka, Maamulada Puntland iyo Somaliland, Isimada iyo Bulsha waynta ku dhaqan deegaanadaas oo intii uu safarka soo ahaa siwayn ugu soo dhawaynayey Magaalooyinkii uu soo maray.

Garaadka ayaa ku sheegay in ay Qardho u yimaadeen casuumaadii Boqorka uu u sameeyay isimada dhaqanka.
1

1a

2

3

4

5

6

7

8

9

Puntlandes.com

About The Author