Daawo-Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo cadeeyey inaysan jiri doonin Qodobo Dastuurka JFS ah oo dib u eegid lagu samay doono iminka

28 May 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi dheer siiyey Golaha88 ayaa cadeeyey inaysan jiri doonin Qodobo Dastuurka JFS ah oo dib u eegid lagu samay doono iminka, iyadoo loo balansanaa inuu Caasimadda Puntland ee garowe ka dhaco Shirwaynaha Dib u eegidda Dastuurka 10kii May laakiin ay DFS dib u dhigtay 25ki May hadana dib loo sii raxay 15ka June 2016ka.
221-4b3
Shirkan ayaa Qorshuhu wuxuu ahaa in dib u eegida ama samaynta Qodobada la xiriira Siyaasadda, Awood qaybsiga hay’adaha dawlada ee heer Federaal iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka (sida Awwda madaxweynaha kan raysul wasaaraha kan Aqaka Sare kan Aqalka Hoose iyo Awood qaybsiga dawladaha Federaalka iyo tan dawladaha xubnaha ka ah ), Qaybsiga Dhaqaalaha ee Federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, Caasimadda dalka iyo Qaybsiga Khayraadka Dabiiciga qodobadan ayaa aad iyo aad muhiim ugu ahaa dawladnimada Soomaaliya.
Dhgayso madaxweyne Gaas

Warar hoose oo soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID ay  diideen in si furan looga doodo laguna heshiiyo Qodobadan iyagoo danta ay ka leeyihiin ay tahay in aan horayba loo socon waqtiguna uu ku dhamaado MURAN iyo isqabsi si ay u helaan Waqti kororsi.

Beesha Caalamka oo danaynaysa in Doorashadu xiligeeda qabsoonto ayaa soo jeediyey in aan Dib u eegid lagu samayn Dastuurka iminka ee loo daayo dawlada imaan doonta.

Daawo-dhagayso madaxweyne Gaas oo arinta iyo arimo kale oo Xasaasi ah ka hadlaya

Puntlandes

About The Author