Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 29-May-2016 magaalada Muqdisho kaga qayb galay shirka Madasha hoggaamiyayaasha qaran ee looga hadlayo hannaanka doorashooyinka 2016-ka oo saaka ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka, Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubba-land iyo Madaxweynayaasha maamullada kumeel-gaarka ah ee Koon-fur-galbeed iyo Galmudug.

Shirka oo Socon doona Muddo labo maalmood ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii ay hore Madashu u gaartey ee la xiriirey hannaanka doorashooyinka iyo qaababka ay guddiyadu uga hawl geli doonaan dhammaan gobollada dalka.

Sidoo kale muddied uu shirku socdo ayaa lagu lafa guri doonaan halka looga sii gudbayo kadib doorashada 2016-ka iyo sidii dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah  si loo soo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed.

224-1a1a
224-4a2

 

 

224-1a5

224-1a6

224-1a7

224-4a
Puntlandes.com

About The Author