Dhagayso-Sawirro-Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland oo Maanta Xilkii la wareegey

29 May 2016 (Puntlandes) Xarunta Taliska Ciidanka Booliska dowladda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa kadhacday munaasabad uu xilka kula wareegayey ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland.

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Puntland Gen Cabdiqaadir Shirre Yuusuf Ereg ayaa xilka kala wareegey taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud.

Xilwareejinta ayaa waxaa ka qaybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga iyo DDR-ta, agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda, taliyayaasha xilalka lakala wareegey, taliye ku-xigeenka booliska, hogaamada ciidamada iyo saraakiil kale.

Taliyihii hore ee ciidanka booliska Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afgaduud, ayaa ugu horayn madasha ka sheegay inuu waxbadan qabtay mudadii uu xilka hayey, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha ciidanka inay lashaqeeyaan taliska cusub.

Gen Cabdiqaadir Shirre Yuusuf Ereg ku-simaha taliyaha ciidanka booliska dowladda Puntland, ayaa dhankiisa sheegay inuu xilkaasi u gudan doono sida ugu daacadsan, wuxuuna dhammaan dhinacyada wadashaqaynta laleh ka codsaday inay ku caawiyaan shaqadiisa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda Maxamed Cali Faarax iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa hogaanka cusub ugu duceeyey in xilka Alle u fududeeyo.

Ugu dambayntiina waxaa munaasabadda soo afmeeray wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga iyo DDR-ta diwladda Puntland Cabdicasiis Maxamed Aadan, wuxuuna balanqaaday inay lashaqayn doonaan taliska cusub.

Dhagayso Taliyihii hore oo Xilka wareejinaya

20150529_095412 20150529_095132 20150529_094942 20150529_094901 20150529_094027 20150529_092630 20150529_092819 20150529_092830 20150529_092908 20150529_092837 20150529_092331 20150529_092523 20150529_092441 20150529_092322 20150529_092307 20150529_092429 20150529_092410 20150529_092251 20150529_092236 20150529_092355 20150529_092228 20150529_092217 20150529_092129

Puntlandes.com

About The Author