Sawiro: Wafdi Ballaaran oo iskugu Jira Ganacsatada, Qurbajoogta, Odoyaasha Dhalinyarada oo taageera Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax

29 May 2016 (Puntlandes) Dhawaan ayaa waxaa booqasho ku tagay Xarunta Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax wafdi Ballaaran oo iskugu Jira Ganacsatada, Qurbajoogta, Odoyaasha iyo Dhalinyarada oo taageera Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax.

Xubno Ka mid ah Wafdigaas ayaan qaarkood horay u Booqan Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax oo wax wayn ka bedelay magaalad Bursalax iyo Nawaaxigeeda.

Wafdigaas ayaa waxaa kamid ahaa Ganacsatada Xaawo Cabdi Jamac Koronto Huruuse Shoobane, Maxamed Siraad , Maxamed Ismaciil, black , Cubayd Aadan Seed  Xuseen Aadan , Xirsi Caynab , Cabbaas Cali Kacaan , Cabdi-dahir Maxamed Sugulle, Axmed Huruse Xaashi  iyo Qaar kale oo Badan run ahaantii aad bay ugu farxeen Waxqabadka iyo Dadaalka ay Sameeyeen dhamaan dadkii ka qayb qaatay iyo kuwii kasoo shaqeeyey Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax iyagoo cod dheerna ku sheegay inay u istaagi doonaan sidii ay kaalin muuqata uga qaadan doonaan Mashruuca.

Mashruuca Horumarinta Bulshada Bursaalax ayaa waxa uu ka kooban yahay qaybaha kala ah Iskuul Hoose/Dhexe, Iskuul Sare, Iskuulka dadka waayn, Kolej, Iskuul Diinta lagu barto, Biyo gelinta magaalada Bursaalax, Cisbitaal aad loo qalabeeyey  waxaana wax ka barta Arday aad u fara badan oo kor u dhaafaya 1600 arday
1

1a

2

3

4

5

6

7

8
Puntlandes.com

About The Author