XOG: Itoobiya oo AMISOM ka dalbatay in Ciidamadeeda lagu wareejiyo Villa Somalia, Dekedda Muqdisho & Garoonka Aden Adde

31 May 2016 (Puntlandes) Dawlada Itoobiya oo Ciidamadeedu ay ka mid yihiin AMISOM ayaa waxay ka dalbatay AMISOM in Ciidamadeeda lagu wareejiyo sugidda amniga Madaxtooyada (Villa S9omalia), Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Aden Adde oo ah goobaha ugu muhiimdsan magaalada Muqdisho.

224-6a6

Itoobiya ayaa waxay hada la wareegaysaa dhawaan Taliskeda Guud ee AMISOM, kaasoo ay hada jhayso dawlada Uganda oo ayna Ciidamadeedu ilaaliyaan goobaha ay Itoobiya dalbatay in lagu soo wareejiyo.

Dawladda Itoobiya ayaa waxay ku hanjabtay inaysan shaqada qaban doonin hadii aanaan lagu wareejin Madaxtooyada (Villa S9omalia), Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Aden Adde dhamaantood.

Hadii ay dawladda Ugandha ogolaato waxaa lagu wareejin doonaa dawladda Itoobiya goobaha ugu muhiimsan magaalada Muqdisho oo ah fadhiga DFS.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inaan cidina waxba ka ogaysiin DFS, ee ay tahay arin u dhaxaysa AMISOM.

Dawladda Itoobiya ayaa awood aan caadi ahayn ku yeelanaysa Muqdisho haddii ay ku guulaysato inay la wareegto gacan ku hayntaTaliska Guud ee AMISOM, Madaxtooyada (Villa S9omalia), Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Aden Adde.

Puntlandes.com

About The Author