Xildhibaan Puntland oo si adag uga hadlay shirka Muqdisho

1 June 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Puntland ayaa ka hadlay shirka Madaxda Dowlada Federalka Somalia iyo Kuwa maamulada dalka uga  soconaya magaalada Muqdisho , wuxuuna dhaliilay Xildhibaanku qaabka looga wada hadlayo xubnaha imaan doona kuraasta aqalka sarre.

224-7b2

Xildhibaan Maxamed Axmed waxa uu sheegey in aqalka sarre uu ka koobnaan doono 54 xubnood islamarkaana uu sidaasi qorayo dastuurka Somalia , balse ay noqon doonto dastuur jabin haddii lagu daro xubno dheeraad ah .

Mudane Axmed waxa uu intaas ku darey haddii ay jirto xal loogu raadinayo in aqalka sarre uu xubno ka helo Gobolka Banaadir in dib loogu noqdo qeybtii horey ay uga heleen aqalka sare Gobolada kala ah Hiiraan, Galgaduud iyo Shabellada dhexe taas oo u arko Xildhibaan Maxamed inay heleen xubno sad bursi ah oo aysan xaq u lahayn.

Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl waxa uu nasiib daro ku tilmaamay diidmo uu sheegey inay ka qabaan  Madaxda Dowlada Federalka Somalia sidii aysan doorasho uga dhici lahayn dalka ,, kuwaas oo ku eedeyey inay diideen shalay in si cadaalad ah wax loogu qeybiyo 18-kii gobol.

Puntlandes.com

About The Author