Sawirro: Madaxweynaha Turkiga oo xalay gaaray Magaalada kambala

1 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa xalay ka degay Magalada Kampala ee Dalka Uganda oo uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan Marwada koowaad Emine Erdogan iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ayaa xalay garoonka diyaaradaha ee Entebbe ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Sam Kutesa iyo Wasiiro kale, iyadoo la filayo in maanta uu kulan kula qaato Madaxtooyada Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada Dal,iyo  iskaashiga labada Dal, waxaana diirada lagu saari doonaa arrimaha ganacsiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa lugta labaad ee booqashadiisa Geeska Afrika waxaa uu ku tagi doonaa Dalka Kenya, isagoo maalinta jimcaha ah uu booqasho ku iman doonaa Magaalada Muqdisho ee casimadda Somaliya, wuxuuna noqoneysaa markii 3aad ee uu soo booqdo Soomaaliya.

DMadaxweyne Erdogan ayaa waxaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado Muqdisho maalinimada Jimcaha ee nagu soo aadan.

 

erdo-1

224-7b4

erdo-2

erdo-3

Puntlandes.com

About The Author