Sawiro: Ugu yaraan 10 ku dhimatay & 50 dhaawacmay weerarkii Hotel Ambassador

1 June 2016 (Puntlandes) Weerarkii ay Koox Hubaysani ay ku qaadeen Hotelka Ambassador ayaa khasaarihiisu sii kordhayaa, waxaana inta la hubo ku geeryaatay weerarkaas ugu yaraan 10 ruux halka ay ku dhaawacmeed in ka badan 50 ruux.

Dadka dhintay ayaa waxa ku jira dad ay banaanka ku haleeleen xabadaha la isku adeegsanayo Hotelka, waxaana dadkaasi ka mid ah Xil Faarax C/qaadir walaalkiis.

Waxaa kale oo la xaqiijiyey inay ku dhinteen laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DFS oo kala ah Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure

Wali Kooxdii weerarka ku qaaday Hotelka waxay ka dagaalamayaan Hoteölka Gudihiisa, waxaa laga Cabsi qabaa in Kooxdii Weerarka soo qaday ay laayaan dadkii ku sugnaa Hotelka markii ay soo Weerareen.

Dhaawaca ayaa waxaa la geeyey la geeyey Isbitaal Madiina.

Warbaahinta Puntlandes ayaa Akhristayaasheeda usoo gudbinaysa burburka baaxadda way nee soo gaaray hotel Ambassador iyo meelihii u dhaweaan.

 

224-7c2

224-7c3

224-7c4

224-7c5

224-7c7
Puntlandes.com

About The Author