BREAKING NEWS: Labo Xildhibaan oo ka mid noqday dadkii la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka Hotel Ambassador

1 June 2016 (Puntlandes) Warar goor dhow soo gaaray warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in illaa labo Xildhibaan ay mid noqdeen dadkii ku geeriyoodeen weerarka Hotel Ambassador, iyadoo wali uu socdo howl galka.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka Hotelka Ambassador.

223-8

Dableyda hubeysan ayaa wali ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka, iyagoo fuulay dabaqa ugu dambeeya ee hotelka,halkaasoo ay rasaas ka soo ridayaan.

Dadka la soo bad baadiyay ayaa gaarayay tobanaan ruux, waxaa ku jiray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo dhaawac fudud soo gaaray iyo Mas’uuliyiin kale.

Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in howlgalkoodu  uu wali socdo, isla markaana dableyda hubeysan ay saaran yihiin dabaqa ugu dambeeyay.

Weerarkan ay Kooxdan Hubaysani ku qaaday Hotelka Ambassador ayaa soconaya saacado badan, waxaana wali adag in la helo faah faahin rasmi ah, maadaama xilliga uu yahay habeen.

Wixii war ah ee kusoo kordha kala soco warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author