Sawiro: Dhimashada oo sii korortay weerarkii Hotel Ambassador

1 June 2016 (Puntlandes) Weerarkii ay Koox Hubaysani ay ku qaadeen Hotelka Ambassador ayaa tirada dhimashada tahay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan labo Xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamanka DFS.

224-2d6

 

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne & Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure.

Warrar aan ka helnay Cusbitalka Madiina ee magalada Muqdishu, ayaa sheegaya in lasoo gaarsiiyay dhaawaca 50 ruux oo siyaabo kala duwan wax u soo gaareen.

Waxaa ka mid ah dadka dhintay Xidhibaan Faarax Cabdulqaadir walaalkiis lagu magacaabi jiray Cabdixamiid Cabdulqaadir.

Dhanka kale dadka ay Ciidamada DFS soo badbaadiyeen ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo qaba dhawac fudud oo kasoo gaaray Lugta iyo Xildhibaanna kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Max’ed Cumar Macloow, Cabdullaahi Dayib iyo Max’ed Xirsi Ducaale.

224-7c9

224-2d5

224-2d3

224-2d

224-7c7

224-7c5

Puntlandes.com

About The Author