Dhageyso: Villa Soomaaliya oo Mashaariicdii dhismaha dekadda Garacad & wadada Wadaagsin qaab Qabiil Galmudug ugu wareejisay

2 Juni 2016 (Puntlandes) Waxaa xalay soo shaac baxay oo la xaqiijiyey in Mashriicdii Ballaaranayd oo dawladda Puntland ay ka heshay dalalka Deeqaha bixiya ee laguna dhisi lahaa Dekadda Garacad ee gobolka Mudug iyo wadada wadaagsin ee isku xiraysa Garacad illaa Galdogob ay Mashaariicdaas Villa Somalia qaab QABIILNIMO ah ugu wareejisay deegaano Maamulka Galmudug ka tirsan sida Hobyo iyo wadada isku xiraysa Hobyo iyo Muqdisho.

Dawlada Puntland ayaa wadamada Deeqaha bixiyaha kula heshiiyey mashaariicdaan, kadibna waxaa u daba martay Villa Soomaaliya iyadoo adeegsatay awood dawladeed oo qabyaaladaysan, iyadoona arrintaan laga qariyey xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, uuna hoos ka waday oo safarro dibadda ah u galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dawladda Muqdisho Cumar Carte Qaalib.

63a
Xildhibaan Cabdibarre Yuusuf Jibriil oo ka tirsan Baarlamaanka DFS ayaa caddeeyay in khiyaanadaan laga shaqaynayey asbuucyadii lasoo dhaafay, islamarkaasina qabiilkii iyo dagaalkii sokeeye ee foosha xumaa uu wali ka socdo madaxtooyada villa Soomaaliya dhexdeeda.

Xildhibaan Cabdibarre wuxuu wareysiga ku sheegay in dawladda Puntland ay khiyaanadaan ka war hayso, xilli Muqdisho ay ka socdaan wada hadallo xasaasi ah oo mustaqbalka doorasho ee Soomaaliya ku saabsan.

Akhriso Warqada ay Puntland Qortay

224-8a

224-8a1

Dhageyso wareysiga Xildhibaan Cabdibarre uu Radio daljir siiyey

Puntlandes.com

About The Author