Arinta Muqdisho ee Aqalka Sare oo Gudi loo saarayo (PES oo heshay XOG)

2 Juni 2016 (Puntlandes) Shirkii Madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho ee qodobada looga hadlay ay ka mid ahayd in Muqdisho ay Beesha madaxweyne Xasan Sheekh qayb dheeraad ah uga qaadato Aqalka Sare ayaa waxay kusoo gaba gabowday inaysan suurtagal ahayn in Beel gaar ah ay Muqdisho ku qaato Kuraas dheeraad ah.

ergeyga-iyo-madaxda

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ayaa ka tanaasulay markii uu shaqayn waayey isku daygoodii, kadib markii uu isku daygoodii shaqayn waayey.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ay soo jeediyeen in Muqdisho ay ku yeelato Aqalka Sare 5 Xubnood loona kala qaato Beeshiiba 1 Xubin, habka Qabalaiga ah ee 4.5 (Daarood, Dir, Hawiye, Digil & Mirifte iyo Beesha shanaad) waxaana taas diiday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ayaa waxay dhankooda soo jeediyeen in 7 xubnood la siiyo magaalada Muqdisho iyadoo 3 xubnood loogu darayo Beesha Hawiye halka 4 kale 4.5 afarta beelood oo kale ay min hal xubin u qaadanayaan, soo jeedintan waxaa ku gacansayray madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Jubaland.

Intaas ka dib ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu soo jeediyey in 10 Xubnood laga dhigo marka si Beel kasta u hesho 2 Xubnood, taasna waa laga diiday.

Sida ay XOG ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxaa madaxweyne Xasan Sheekh codsaday in Gudi lagu maaweeliyo reer Muqdisho loo saaro arinta Muqdisho, si dadka rajo loogu maaweeliyo.

Dhamaan madaxda Soomaalidu waa ka aqbaleen madaxweynaha DFS soo jeedinta uu ku doonayo inuu taageerayaashiisa ku maaweeliyo.

Puntlandes.com

About The Author