Wararkii u dambeeyey ee Shirkii Muqdisho ka socday Xog ay Puntlandes heshay

2 Juni 2016 (Puntlandes) Shirkii Madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho ee ka bilowday Axadii ay bishii hore ahayd 29ka ayaa iminka maraya meel gabo gabo ah oo cakiran, sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay.

mahad-cabdalla

Qodobka ugu wayn oo iminka cakirnaanta keenay ayaa ah Degmada Tawfiiq ee Puntland oo ay galmudug ku doodayso inay ka toirsan tahay maamulkooda.

Degmada Tawfiiq ayaa waxay hoos timaadaa Puntland oo ay ka mid tahay, waxaana ka taliya Puntland o oka samaysan Gole Degaan kaasoo maamula Degmada Tawfiiq.

Dhanka kale Degmada Tawfiiq waxay ka tirsaan jirtay oo Hoos timaadaa Degmada Jariiban ilaa iyo lixdameeyadii markii la sameeyey Degmadaas.

sida ay Warbaahinta Puntlandes XOG ku heshay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID waxay aad u dhibsadeen ayna ku dadaalayaan inuusan Baarlamaanka kusoo noqon Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarllmaanka DFS Mahad Cawad, waana sababtaas sababta ay ugu dhagan yihiin Degmada Tawfiiq oo aan dhul ahaan iyo maamul ahaanba hoos imaan.

Waa kuma Gudoomiye Mahad Cawad

Gudoomiye Mahad Cawad waa mas’uul Puntlandes ah aana qarsan oo ku faana Puntlandnimadiisa, wuxuuna kasoo jeedaa Degmada Tawfiiq ee Gobolka Mudug ee Puntland.

Gudoomiye Mahad Cawad waa mas’uul reer Puntland ah qabtayna  shaqooyin aad iyo aad muhiim u ah ayna u baahan yihiin Puntland iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo jeediyey in gudi loo saaro

Kadib markii uu madaxweynaha Puntland diiday inuu ka tanaasulo sheegashada Kooxda DaAMUL JADIID ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maanta soo jeedyey sida ay Warbaahinta Puntlandes XOG ku heshay in Gudi loo saaro arinta Degmada Tawfiiq, soo jeedintaasna waxaa ku gacansayray madaxweyne Gaas.

Si kasba ha ahaatee waaa ku adag Kooxda DAMUL JADIID ee waxba ka xishoon inay meel ninkii lahaa uu soo taagan yahay kaasoo waliba ah Mas’uul xil sare ka haya DFS waa Gudoomiye Mahad Cawad ay qaataan oo ku darsadaan galmudug si ay u hor istaagaan inuu Xildhibaan noqdo Gudoomiye Mahad Cawad.

Ugaaska Beesha Leelkase oo ay muran geliyeen Kooxda DAM JADIID

Kooxda DAM JADIID ayaa waxay muran geliyeen Ugaaska Beesha Leelkase, iyagoo ku doodaya in uu Saxiixa yeelanayo nin Wakiil u ahaa Ugaaska soo xulidii Xildhibaanada ee 212kii.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Ugaaskii Beesha Leelkase uu iminka ku sugan yahay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland iyadoo uu halkaas ku dhamaaday ,murankii Kooxda DAM JADIID.

Qodobada kale ee Wali muranku ka taagan yahay

Qodobada kale ee la isku mar la’ yahay ayaa waxaa ka mida Xildhibaanada Beesha Shanaad iyo kuw Dirta koonfureed, iyadoo ay doonayaa Kooxda DAM JADIID inay iyagu soo xulaan si ay codkooda ugu xisaabtamaan.

Kala soco wararkaii u dambeeyey ee Shirka Muqdisho iyo wararka Soomaaliya Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author