Xog ay Puntlandes heshay Mashaariicdii ay Villa Somalia ka leexsatahay Puntland oo la joojinayo!!

2 Juni 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ilo Khuburo ah oo la socda ka ogaatay in la joojin doono gebi ahaanba Mashaariicdii ay Villa Somalia (Madaxtooyada Soomaaliya) si qabiilnimo uga Boobtay Puntland, iyadoo u leexisay meel kale.

224-2c

 

Mashaariicdan oo ay labadii sano ee u dambaysay ka wada shaqaynayeen dalwalada Puntland iyo Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ayaa waxa uu ka koonbaa Deked laga Dhisayo Garacad iyo dhismaha Wadada Wadaagsin ee isku xirta Garacad iyo Galdagob.

Mashaariicdan ayaa waxaa lagu maalgelinayey lacagtii NEW DEAL-ka ee ay EU Soomaaliya u balan qaaday iyadoo ay dawlada Puntland codsatay in lagala shaqeeyo Dhismaha Kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana fulin lahaa Mashaariicdan ama lacagta lasoo marinayey Bankiga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa waraaqo uu ku dalbanayo in la wareejiyo Mashaariicdaas u diray Bankiga, ugu dambayna waxaaa Bankiga booqday oo loo diray Raysul wasaare kuxigeenka DFS Maxamed Cumar Carte isagoo Bakiga ka dalbaday inay dawlada Soomaaliya ay dalka mas’uul ka tahay doonayso in laga wareejiyo Puntland.

Sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes Bankiga Horumarinta Afrika wuu ka diiday isagoo si cad ugu sheegay inay dawladda Puntland ay kala shaqaynayeen muddo 2 sano ah aysana sahal ahayn in la iska wareejiyo Mashaariicdan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku sii indho adaygay isagoo ujeedkiisu ahaa in ama la joojiyo ama la wareejiyo si aysan Puntland u helin Mashaariicdaas.

Xogta ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaysa in dadaal badan uu ku guulaystay Xasan Sheekh inuu wareejiyo Mashaariicdaas.

Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo aan la socon Qorshaha bedelida iyadoo ay ka qarisay Villa Somalia ayaa aad uga Xumaaday markii uu ogaaday hawsha Foosha xun ee uu gacmaha kula jiro Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes Raysul wasaare Cumar ayaa si deg deg ah ugu yeeray ninka u qaabilsan bankiga Soomaaliya, kaasoo ay hayb hoose wadaagaan Xasan Sheekh.

Xogta ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaysa in Raysul wasaaraha Cumar uu ka dalban doono Bankiga in Mashaariicda meeshoodii hore loo daayo aanna laga wareejin Puntland, kadibna sida ilahani u sheegeen Warbaahinta Puntlandes waxa la filayaa inuu qori doonaa madaxweyne xasan Sheekh warqad uu ku dalbanayo in aan lagu celin Puntland ee laga wareejiyo.

Ugu dambayna waxaa la saadaalinayaa in Deeqbixiyayaasha iyo Bankigaba ay joojin doonaan Mashaariicdaas.

Waa su’aale maxay ka macaasheenXasan Sheekh iyo taageerayaashiisa Xaasidnimada ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan!! Jawaabtu waa waxba!!

Puntlandes,com

About The Author