Sawirro: Madaxweynaha dawladda Puntland oo muqdisho kaga qayb galay munaasabad xarigga looga jarayey soo Safaaradda Cusub ee Turkiga

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhim ah u jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta  3-June-2016  ka qayb galay munaasabad xarigga looga jarayey  dhismaha  cusub ee safaaradda dawladda Turkigu ay ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha dalka Turkiga Reccep Tayyip Edugan, Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul-wasaaraha dawladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,  Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee koonfur galbeed Shariif Sheekh Aadam iyo Madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Munaasabadda ayaa waxaa xarigga si rasmi ah uga jaray Madaxweynaha dawladda Turkiga iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana Madaxweynaha dawladda Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha dawladda Puntland iyo Madaxdii kale ee Soomaaliyeed ee kala soo qayb gashay Munaasibadda xarig ka jaridda dhismaha cusub ee safaaradda.

Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dhismahaani uu  yahay dhismaha ugu weyn ee safaaradeed ee dawladda Turkigu ay ku leedahay dawladaha adduunka taasina ay muujinayso xiriirka wanaagsan ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya dawladda Turkiga iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in uu mashaariic kala duwan ka hirgelin doono guud ahaan dalka Soomaaliya isla markaana gacan weyn ka geysan doono dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka iyo arrimaha banii’aadaminimoba.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Turkiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isla markaana waxay ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee dawladda Turkigu ay ka fuliso guud ahaan dalka Soomaaliya sidii ay Puntland qaybteeda u heli lahayd maadaama ay Puntland marayso heerka horumarka.
1a19c004-748c-4871-a714-1a541e57defc4e4e9ba3-240e-4c70-b3c2-90d9a642d0e55e1cc19d-0bee-44a5-bd74-84f4d3b706f48ff6e71d-01cb-465c-981f-66aaf2858fb943c76d85-7686-431c-8910-c56213ea631076b6f12b-bf98-4883-abb3-0d2bb9b2d489237ddd82-8cd4-4329-9d60-db5c20a71561866c44ae-df13-4da2-8483-29ce328a531041050570-ec57-47b7-8cc7-c9d14e03694eac24446b-0be6-4c84-aeb9-a7628d32aa55b3d86076-1b81-48c2-a2e9-c55ad8c65fa8b10bf146-593e-4075-9878-3dc0e17c6a4ab998139e-c5b7-4eeb-afa9-93d35b5a1a12c97a409b-bd4d-48d7-958e-b40b66155028c861864e-1508-4e88-b030-a24f62d48da7d1e5939d-d666-46f4-bc35-6e1b9063ff2dd2b1d69e-39de-492b-905a-f0fee2f767e5dbd302cf-da36-48e4-918b-ac1d37d17a25df9c2bab-9757-4886-8369-322a3652aedee039f451-4387-45e6-9801-b52d481ea386ed1253f8-63fa-4084-97af-e0354a7ccee7

About The Author