Sawiro: Madaxweyne Erdogan oo goor dhow ka dhoofay Muqdisho

3 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo xarigga ka jaray dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga ka furtay magaalada Muqdisho, kaasoo ah Safaaradooda ugu weyn ee Caalamka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa balan qaaday inay taageeri doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aysan marna ka tagi doonin, waxaa uu balan qaaday inuu mar kale soo booqan doono Soomaaliya oo uu furi doono mashaariic dib u dhis ah.

Booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku yimid Muqdisho ayaa qeyb ka aheyd booqasho uu ku marayay dalalka deriska ah.

 

erdo-hasan (1)erdo-hasan (2)erdo-hasan (3)erdo-hasan (4)erdo-hasan (12)erdo-hasan (5)erdo-hasan (6)erdo-hasan (7)erdo-hasan (8)erdo-hasan (9)erdo-hasan (10)erdo-hasan (11)

Puntlandes.com

About The Author