AKHRISO: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Doorashooyinka ee Federaalka (GFHD) & Heer Dawlad Goboleed (GHDG)

4 June 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay  Shirkii madaxda Hogaanka Qaran ugu soo dhamaaday Muqdisho go’aamadii kasoo baxay ee qeexayey waajibaadka shaqo Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka (GFHD) & Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Dawlad Goboleed (GHDG) iyo intay ka koobnaan doonaan.

ergeyga-iyo-madaxda

Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka (GFHD)

Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka (GFHD) wuxuu ka koobnaan doonaa 22 Xubnood oo ka kala imaanya 10 DFS iyo 2 xubnood Dawlad Goboleed kasta, taasoo ka dhigan inay Somaliland ku yeelanayso 2 Xubnood.

Qaybta GFHD ee DFS waxay ka koobnaan doonaan 5 Wasiir iyo 5 Khuburo, taasoo ka dhigaysa wadarta guud 10 Xubnood. Qaybta Dawlad Goboleedyada 1 Wasiir iyo 1 Khuburo, taasoo ka dhigaysa 2 Xubnood Dawlad Goboleedkiiba, kuwaasoo kala ah:

  1. Somaliland
  2. Puntland
  3. Galmudug
  4. Hiiraan/Sh Dhexe
  5. KGS
  6. Jubaland

GFHD wuxuu waajibaadkiisu shaqo noqonayaa Kormeerida Doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah uga dhacdo dalka oo dhan. GFHD waxaa hagaya madaxda Hogaanka Qaran.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Dawlad Goboleed (GHDG)

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Dawlad Goboleed (GHDG) wuxuu ka koobnaan doonaa 11 Xubnood Dawlad Goboleed kasta oo jira iminka iyo kuwa idaan doona, waxayna ka kala imaanyaan 3 DFS iyo 8 xubnood Dawlad Goboleed kasta.

GFHD wuxuu ka koobnaan doonaa oo kaliya Khuburo iyo la taliyayaal, wuuna madax banaan yahay Siyaasiyiinta.

Waajibaadka Shaqo ee GHDG: Waxay Mas’uul ka yihiin Fulinta Hanaanka Doorashada ee dawlad Goboleed

Akhriso Go’aamadii kasoo baxay madaxda Hogaanka Qaran

224-9a

224-9a2

224-9a3

224-9a4

224-9a5
Puntlandes.com

About The Author