Daawo muuqaal Booqashadii Erdogan ee Muqdisho

4 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay Booqday magaalada Muqdisho si uu u furo Safaarad cusub oo uu dalka Turkigu ka dhistay magaaladaasi..

224-8b

Wafdiga Erdogan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxeynaha JFS Xasan Sheekh kadibna waxa u Ciidamo Turki ah ay u galbiyeen Safaaradda Turkiga.

Waxaa xusid mudan in madaxweynaha Soomaaliya uu marti ugu ahaa madaxweyne Erdogan magaalada Muqdisho ee Caasimadda ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kaloo ahayd wax dad badan oo Soomaaliyeed ka yaabiyey in meeshii Villa Somalia ay Qado sharfeed u samayn lahayd Wafdiga martida u ahaa in madaxweyne Erdogan magaalada Muqdisho uu Qado sharfeed ku casuumo madaxda Soomaalida iyo Diplomaasiyiinta ka socday dalalka shisheeye.

224-9

Dhanka kale waxaa Amniga sugayey Ciidamo Turki ah halka ay madaxtooyadeenana ay Amnigeeda sugayaan kuwo AMISOM ah, iyadoo hada la wado in lagu wareejiyo Amniga Madaxtooyo (Villa Somalia), Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Dekedda Muqdisho ciidamo ka socda dawlada Itoobiya, halkan ka akhriso XOG ka hadlaysa arintaas.

Daawo barnaamij muuqaal ah oo ay VOA ka diyaarisay Booqadashii muqdisho ee madaxweyne Erdogan


Puntlandes.com

About The Author