Madaafiic xalay lagu weeraray Xerada Xalane ee ay Muqdisho ka degen yihiin Diplomasiyiinta sheyeeye

5 June 2016 (Puntlandes) Xalay fiidkii ayaa waxaa lagu garaacay Madaafiic Xerada Xalane, ee ah Xurunta AMISOM isla markaasna ay ku yaalaa Safaaradaha ayna degen yihiin Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

225

Dada deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen daryanka madaafiicda illaa saddex hoobiyena ay ku dhaceen oo gudaha Xerada Xalane. Xarunta Xalane ayaa waxaa sidoo kale ku yaala Xafiiska Qaramada Midoobey

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa beeniyay in madaafiicda ay ku dhaceen Xalane, waxaa uu xusay in madaafiicda ay ku dhaceen meel kaawo ah oo aan wax khasaare ah geysan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxihii madaafiicda ku soo tuuray degmada Wadajir, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee SONNA

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in aanay jirin wax madaafiic ah oo ku soo dhacay Xalane, balse madaafiicda ay ku dhaceen meel ku dhow xerada.

Al-Shabaab ayaa qoraalo baraha Internet-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in illaa shan madfac ku weerartay Xarunta Xalane.

Puntlandes.com

About The Author