Sawiro: Shir looga hadlayo qorshaha xanaanada xoolaha Soomaaliya oo lagu wado in la soo gabo gabeeyo

5 June 2016 (Puntlandes) Kulanka oo ah mid wada tashi ah oo looga hadlayo qorshaha Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada, Xoolaha Dhirta iyo daaqa eeDFS oo kaashaqaneysa Midowga Yurub, xafiska kheyraadka xoolaha ee Midowga Afrika iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO ayaa galay maalintiisa labaad waxaana ka qeyb galaya Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ee dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya , gudiga kheyraadka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale wakiilo ka socday urur goboleedka IGAD iyo dhaqaatiir,waxaana agaasimaha guud ee Wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee DFS uu ugu horeyn ka qeyb galayaasha u faah faahiyay ujeedada kulanka oo ay ka mid ahayd sidii loo heli lahaa qorshe mid ah.

Kulanka oo diirada lagu saarayo hanaanka horumarinta qorshaha Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, islamarkaana ka qeyb galayaasha kulanka ay ka doodayaan xanaanada xoolaha Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa ayaa lagu wadaa in maanta lasoo geb gabeeyo oo ay kasoo baxaan qodobo saldhig u ah horumarinta xanaanada xoolaha Soomaaliya.

vlcsnap-2016-06-05-11h41m21s118

vlcsnap-2016-06-05-11h42m30s30

vlcsnap-2016-06-05-11h42m48s220

vlcsnap-2016-06-05-11h43m27s102

vlcsnap-2016-06-05-11h43m48s30

vlcsnap-2016-06-05-11h44m07s254

vlcsnap-2016-06-05-11h44m19s118

vlcsnap-2016-06-05-11h44m54s206

vlcsnap-2016-06-05-11h45m18s188

vlcsnap-2016-06-05-11h45m32s72

vlcsnap-2016-06-05-11h45m53s27

vlcsnap-2016-06-05-11h46m07s169

vlcsnap-2016-06-05-11h46m35s178

Puntlandes.com

About The Author