AKHRISO: Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Australia oo deeq u diray Puntland

5 June 2016 (Puntlandes) Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Australia oo mar kasta u taagay kuna caan baxay ka shaqaynta Horumarinta, Maalgashiga, Taakulaynta dadku u baahan Caawimaada ee ku nool Puntland ayaa u direen Puntland deeq ay ugu talagaleen Ciidamadii ka tirsanaa ciidanka Difaaca Puntland ee ku dhaawacmay iyo Ciidankii ku dhintay Caruurtooda.

Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Australia gaar ahaan Jaaliyadda degan Dawlad Goboleedka Victoriaoo waa Jaaliyad aad iyo aad u firfircoon kaalin wayna kaga jira ka shaqaynta Horumarinta Puntland.

225-1a

Hadaba Qoraal kasoo baxay Jaaliyadda reer Puntland ee dalka Australia ayaa waxaa Warbaahinta Puntalndes soo gaarsiiyey Gudoomiyaha Guddoomiyaha Jaalliyada Puntland ee Australia Omar Mohamud Dhollawaa.

Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jaaliyadda:

Bulshada reer Puntland ee Australia oo deeq diray

5/6/2016

Annigoo ku hadlaya magaca Jaalliyada reer Puntland ee Australia oo dareensan culayska hawlaha la soo dersay Xukuumada Puntland ayaa sidii caadadu ahayd waxaanu isu taagnay taageerada dadkayaga iyo dalkayaga.

Jaalliyadan oo had iyo jeer u taagan door ka qaadashada hawlaha ka socda Puntland ayaa isu keentay lacag dhan 23,750.00 oo ah lacagta Australia oo noqotay US$16,577.00.

Lacagta waxaa laga soo ururiyey bulshada Reer Puntland ee degan Dawlad Goboleedka Victoria, NSW, iyo Queensland.

Illaahay ajar iyo abaal ka siiyo dadkii bixiyey, kuwii soo ururiyey, iyo kuwii abaabulay rag iyo dumar.

Lacgataas soo ururinteedii ka dib waxaa wadatashi lala yeeshay masuuliyiinta Dawladu u xilsaaartay samafalka waxaana la wada go’aansaday in lacagtaas si gaara loogu diro dadkii wax ku noqday gadaalkii Puntland lagu soo qaaday, kuwii dhintay caruurtii iyo waalidkii ay ka tageen, iyo dhaawaca dagaalku keenay ama gudaha ha joogeen ama dibada ha joogeene.

Waxaa xusid mudan in lacag dedgeg horay gabdhuhu u sii direen lacagtaas oo ay door fiican ka qaateen Cadar Odowaa iyo Khadiija Fanax.

Lacagtaan hadda ah abaabulkeeda iyo soo ururinteeda waxaa xil-gaara iska saaray dadka soo socda:-

 

           Ragga

Hassan Yusuf Dhuux (Hassan Garabey)

Sheikh Issa Abdo

Ali Mohamed (Cali Puntland)

Abdiweli Farah Qambe

His excellence Yoonis Hashi

Abdiwali Hirsi Noor

Mohamed Seerar

Omar Mohamud Dhollawaa

Ahmed Mohamed Warsame

Abdi Elmi Calas  (Abdiyare)

Abdirahman Abdullahi Ali (Imaan Cagey)

Saciid Abdiraxmaan Shiinle

Abdiweli Ahmed Geyre (magaca Queensland)

Dauud Guushaa (magaca Queensland)

Abdiqadir Shire Warsame (magaca Queensland)

 

Hablaha

Safiya Horeeye

Nadiifa Afey

Samsam Hange

Sacdiya Abdirizak Hassan

Hamdi Carey

Khadiija Fanax

Khadiija Hassan Hirsi

Saalixa Ali Aadan (magaca NSW)

Duniya Mohamed Hashi (magaca NSW)

Mulki Abdi (magaca NSW)

 

Waxaa qoraalkaan soo gudbiyey

Guddoomiyaha Jaalliyada Puntland ee Australia

Omar Mohamud Dhollawaa

Puntlandes.com

 

About The Author