Dawladda Puntland oo Ku dhawaaqday inay beri Soon tahay

5 June 2016 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa caawa ah ku dhawaaqday in beri oo taariikhdu tahay 06 June 2016 oo ah Maalin Isniin ah ay tahay maalintiii koowaad ee bisha Soon.

225-1aa1

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha diinta dawladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo warbaahinta gudaha khadka telefanka kula hadlay ayaa shaaciyey in ay Ramadaan tahay, wuxuu sheegay in bisha laga arkay magaalada jowhar ee shabeelaha Hoose oo ay la hadleen guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka degmada oo la kulmay qofkii bisha arkay, sidoo kalena bisha laga arkay dalalka Sucuudiga iyo Malaysia.

Wasiir Saalax Xabiib Jaamac ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

About The Author