Isimada DDSI Iyo Puntland oo ku baaqay deg deg ah loo joojiyo Dagaalka Gobalka Sool

5 June 2016 (Puntlandes) Kullan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Isimada Puntland iyo kuwa DDSI, Nabadoono iyo Waxgarad ayaa looga hadlay xiisada colaadeed ee jirta deegaanka Dharkeyn-Geenyo ee Gobalka Sool.

Isimada ayaa ku baaqay in dagaalka iyo Colaada aan loo baahnayn in si deg deg ah loo joojiyo.

Isimada ayaa waxay Allah uga baryeen inuu u naxariisto dadkii geeryooday, kuwa dhaawacmayna uu Caafimaad degdeg ah siiyo kuwa deegaanka ku sugana uu kala badbaadiyo.

Isimadii baaqa soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa:

1-Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Wiil-waal
2-Amiir Maxamuud Yusuf Ciise
3-Ugaas Faarax Ugaas Sagal
4-Sheikh Aadan Ismaaciil Xirsi
5-Iimaam C/wahaab Maxamuud Gurey
Dhagayso Baaqa Isimada

 

 

IMG_6600IMG_6595IMG_6589IMG_6587IMG_6584IMG_6580IMG_6578IMG_6576IMG_6573IMG_6569IMG_6563

Puntlandes.com

About The Author