Sawirro: Madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo booqday Dhadhaab

6 June 2016 (Puntlandes) Maxaweynaha DFS Xasan Sheekh ayaa maanta booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo uu duhurnimadii maanta uu ka degay. Waxaa soo dhaweeyay waaiirka arrima gudaha Kenya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya,Wuxuu booqan doonaa goob caafimaad iyo dugsi waxbarasho, isagoo la kulmi doona hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah.

Waa markii ugu horeysay madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo xeryaha Dhadhaab mudadii ay jirtay, waxaana halkaas ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan oo muddo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa waxaa xeryaha Dhadhaab ugu horeeyay wefdi isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya.

madaxa

madx

13325664_1351095808239442_7825031432394614837_n

13346485_1351096118239411_9100621330356432116_n

13346526_1351096221572734_5859747145077513708_n

13394038_1351095928239430_1416545945344478562_n

13315579_1399194656773910_7484409010108924655_n

13321811_1399194756773900_5801626557112576556_n

13330951_1399194840107225_127229625504357196_n

13347008_1399194693440573_5601690025717201367_n

Puntlandes.com

About The Author