Dhagayso: Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku baaqey joojinta colaadda Dharkeyn-geenyo

6 June 2016 (Puntlandes) Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ku baaqey in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka aloosan deegaanka Dharkeyn-geenyo.

223-8b1

Boqorka ayaa sheegay in bishii barakaysneyd ee Ramadaan la galay dadku walaalo yihiin, qolo dhulka laga tirtiraayo aysan jirin sidaas darteed colaadaasi ay tahay mid Shaydaan ka shaqeeyey oo aan loo baahneyn.

Boqorka ayaa sidoo kale ugu baaqey waxgaradku in ay deg-deg u gurmadaan, culimaduna safka hore ka galaan kala qaboojinta dadkaas walaalaha ah.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay sidii lagu ballamay shirkii u danbeysey in hawsha laga bilaabo islaax bayna naas.

Ugu danbeyn Boqorka ayaa sheegay in ay tegi doonaan meelaha colaaddu ka dhacdey dadkana walaaleyn doonaan.

Dhanka kale Boqorka ayaa Bulshada Islaamka ah ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan

Dhegayso Boqorka

Puntlandes.com

About The Author