Madaxweynaha Dalka Uganda xaaskiisa u magacaabay Wasiir awood badan

7 June 2016 (Puntlandes) Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa oo xalay ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub oo ka kooban 50 xubnood.

225-2a1

Magacaabitaankaan ayaa ka dambaysay kadib markii dib loo soo doortay Doorashadii 18kii febraayo ee sanadkan ka dhacday Uganda.

Wasiirada uu Madaxweyne Museveni magacaabay ayaa waxaa kamid ah Xaaskiisa Janet Kataaha Museveni oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Isboortiska Uganda.

Xaaska Madaxweynaha Uganda ayaa Doorashada Dalka ka horna haysay xilka ah Wasiiru Dawlaha Gobalka Karamoja.

Maaha wax lala yaabo in Madaxweyne Museveni in Xaaskiisa uga magacaabo Golaha wasiirada dalkaasi xil aad u culus maxaa yeelay aad ayuu ugu raagay xilka madaxweyninimo ee dalkaasi, taasoo ka dhigaysa meel sida uu doono ka yeelo.

Puntlandes.com

About The Author