BREAKING NEWS: Axmed Madoobe oo jebiyey Heshiiskii Qaybinta Xildhibaanada Barlamanka DFS & Halka ay kasoo galayaan!!

10 June 2016 (Puntlandes) Sida ay xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu u yeeray Darwiish, isla shalay markuu kusoo noqday Kismanyo, isagoo ku wargeliyey inay Kuraas kasoo hoyiyaan Puntland maadaama ay qaadatan dhamaan Kuraastii Baarlamaanka DFS ee Beelaha Harti meel kasta oo ay degaan.

223-8

Wasiirka Arimaha Gudaha Jubaland Gen. Darwiish ayaa u diray Puntland wafdi deg deg ah oo kasoo jeeda Beelaha Hartiga Jubaland, waxaana hogaaminayey Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaan Jubaland Aadan Khaliif waxayna ujeedadoodu tahay Xildhibaanadii 4.5ka lagu qaybiyey qaybtii Hartiga Jubaland inay soo helaan.

Xogta ayaa waxay intaas kusii daraysaa in Axmed Madoobe uu Amray in Hartiga Jubaland ee Darwiish madaxda u yahay ay Puntland uga soo Qaadaan ugu yaraan 5 kursi oo ah Hartiga Jubaland.

Dhanka kale waxaa Xusid mudan inaysan Beelaha Hartiga ee Jubaland ku lahayn Oday Dhaqameed 135tii Saxiixayaasha loo yaqaano oo ah Madax Dhaqameedka wax soo xulaya.

Isinkii Beelaha Harti ee Jubaland Suldaan Muuse Nuur markuu dhintay, Suldaankii bedeli lahaa Darwiish, Aadan Kahliif iyo Axmed Madoobe ayaa ka Tarxiilay Jubaland una Maraafuriyey magaalada Muqdisho waxayna gacan wayn oo taageero ka heleen sida ay XOG ku hayso Warbaahinta Puntlandes madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Waa su’aale yaa soo xulaya Xildhibaanada Beelaha Hartiga Jubaland haddiiba ay Punytland siiso Kuraas, ma Axmed Madoobe iyo Darwiish ayaa doonaya inay qol Mugdi ah la galaan?

Puntlandes.com

About The Author