BREAKING NEWS: Puntlandes.com oo heshay Shaxda Xildhibaanada Aqalka Hoose Qabiilada & Goobaha ay kasoo gelayaan!!

10 June 2016 (Puntlandes) Sida Shaxda ka muuqata Kuraastii Aqalka Hoose ee Degmooyinka Towfiiq & Saaxo oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa maamulka Cadaado ee Galmudug waxa uu Boobay Kuraastoodii ay Aaqalka Hoose ku lahaayeen.

223-8

Degmooyinka Towfiiq & Saaxo ayaa Wasiiro ku leh Golaha Wasiirada Puntland, waxaana ka shaqeeya oo maamula Golle Deegaan.

Degmada Towfiiq waxaa kasoo gali lahaa Gudoomiye kuxigeenka Baarlaamka iminka ee DFS Mahad Cawad, isagoo ku faana Puntlandnimadiisa, halkan ka akhriso qoeraal arintan ku saabsan oo ay Warbaahinta Puntlandes qortay.

mahad-cabdalla

Kooxad DAMUL JADIID ayaa ku dhagay Degmada Towfiiq iyagoo ujeedadoodu ay ahayd in aan Mahad Cawad helin Kursi Xildhinbaanimo, sida ay XOGTA ku heshay Warbaahinta Puntlandes na waxaa shirku qarka u fuulay inuu ku burburo arinta Towfiiq taasoo uu markii dambe ka tanasulay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo CAAN KU AH ka TanaZulaadka waxa uu Xaqa u leeyahay!!

Khuburo ku xeel dheer arimaha Soomaaliya oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay arintan ayaa si cad ugu sheegay inay Kooxad DAMUL JADIID Guul wayn ka gaartay Qodobkan, loogana guulaystay Madaxweyne Gaas iyo Raysul wasaare Cumar.

Dhanka kale sida Shaxda ka muuqata Kuraastii Aqalka Hoose ee Beesha 5aad (0.5) waa laga Boobay Puntland waxaana laga siiyey 5 Xubnood kaliya.

Xildhibaanadii Gobolka Banaadir ama Muqdisho

63a

Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo galaya 7 Xubnood oo kaliya. Beelaha Hawiye oo sheeganayey lahaanshaha Caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho ayaan 1 Xubin ku lahayn Xildhibaanda Gobolka Banaadir ama magaalda Muqdisho.

Gobolka Banaadir Xildhibaanada kasoo galayaa waxay kala yihiin sidan hoose:

  • Beelaha Banaadiri: 5 Xubnood
  • Carab Somali:          1 Xubin
  • Dir/Surre:                  1 Xubin

Beelaha Hawiye oo ku lahaa Aqalka Hoose 61 Xubnood ayaa waxaa loo kala qaybiyey maamulka Cadaado ee Galmudug iyo Hiiraan/Sh. Dhexe iyadoo aan Magaalada Muqdisho 1 Xubin laga siin!!!

Xildhibaanada Daarood iyo Goobaha ay kasoo galayaan

Xildhibaanada Daarood ayaa waxay kasoo galayaan sidatan:

  • Puntland: 35 Xubnood
  • Jubaland: 20 Xubnood
  • KGS: 2 Xubnood
  • Cadaado: 4 Xubnood

Beelaha Harti oo Baarlaamka 4.5ta ku salaysan ku leh 27 Xubnood waxay dhamaantood kasoo galayaan Puntland, halka au Hartiga Jubaland iyo kan KGS aysan Aqlaka Hoose ku lahaanayn Xubin/Xubno Baarlamaanka Soo socda.

Beelaha Mareexaan oo 14 Xubnood ku lahaa Baarlaamka 4 Xubnood waxaa soo Xulaya Cadaado (Galmudug) halka ay Jubaland na soo Xulayso 10 Xubnood.

Beelaha Absame oo 12 Xubnood ku lahaa Baarlaamka 2 Xubnood waxaa soo Xulaya KGS halka ay Jubaland na soo Xulayso 10 Xubnood.

 Maamulka Koonfur Galbeed oo helay Xildhibaanada ugu badan

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa helay 69 Xubnood, taasoo ka dhigaysa meesha Xildhibaanada ugu badan ay ka imaanayaan.

225-4a3

Madaxweynaha maamulka KGS Shariif Xasan ayaa noqonaya ninka ugu saamaynta badan oo soo Xulanaya Xildhibaanada ugu badan ee Baarlamaanka Federaalka soo socda!!

Maamulka Koonfur Galbeed 69 Xubnood ayaa ka kala imaanya Beelaha kala ah:

  • Digil & Mirifle: 54 Xubnood
  • Absame: 2 Xubnood
  • Dir: 7 Xubnood
  • Beesha 5aad: 6 Xubnood

 

Xildhibaanda ka imanaya Cadaado (Galmudug)

222-1

Xildhibaanda ka imanaya Cadaado (Galmudug) waxa weeye tiradooda guud 36 Xubnood waxayna kala yihiin Beelaha ay kasoo jeedaan sidatan:

  • Habargidir: 16 Xubnood
  • Murursade: 7 Xubnood
  • Mareexaan: 4 Xubnood
  • Abgaal/Wacaysle: 3 Xubnood
  • Dir: 2 Xubnood
  • Shiikhaal: 2 Xubnood
  • Madhibaan: 1 Xubin
  • Tumaal: 1 Xubin

Beelaha Habargidir iyo Murursade meel aan Galmudug ahayn kama soo galayaan, Xildhibaano meel kale ugama soo galayaan.

Xildhibaanda ka imanaya Hiiraan iyo Sh. Dhexe

Xildhibaanda ka imanaya Hiiraan iyo Sh. Dhexe waxa weeye tiradooda guud 37 Xubnood waxayna kala yihiin Beelaha ay kasoo jeedaan sidatan:

  • Xawaalde: 8 Xubnood
  • Gugundhabe: 5 Xubnood
  • Gaaljecel: 4 Xubnood
  • Abgaal/Wacbuudaan: 3 Xubnood
  • Abgaal/Harti Abgaal: 3 Xubnood
  • Ciise Mudulood: 3 Xubnood
  • Dir: 2 Xubnood
  • Moobleen: 1 Xubin
  • Hilibi: 1 Xubin
  • Beesha 5aad: 7 Xubnood

Waxaa Xusid mudan in aysan Beelaha Habargidir kasoo galayn Hiiraan iyo Sh. Dhexe iyagoo qayb badan ka dega, sababtuna waa in Cabdikariim Xuseen soo qoro Xildhibaano badan oo ka imaanaya Kooxad DAMUL JADIID ee iminka ka talisa Villa Somalia.

FG: Shaxdan Xasaasiga ah waxaa banaanka usoo saaray oo ay Warbaahinta Puntlandes ka heshay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), isagoo ujeedada uu ka leeyahay ay ahayd inuu Xildhibaano dheeri ah ka helo Puntland.

Kala soco goor dhaw Warbaahinta Puntlandes Xog la xiriirta damaca Axmed Madoobe!!

Akhriso Shaxda
225-4

225-4a

225-4a1

225-4a2
Puntlandes.com

About The Author