XOG: Madaxweye Xasan Sheekh oo Heshiis Khiyaano Qaran ah lagalay Uhuru Kenyatta

11 June 2016 (Puntlandes) Madaxweyaha DFS Xasan Sheekh oo dhawaan booqday dalka Kenya lana yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wadahadalo saxaafadda loogu sheegay inay khuseeyeen Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxa uu Heshiis QARSOODI ah la galay Uhuru Kenyatta.

222-4d2

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG ku heshay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Heshiis Khiyaano Qaran ah uu la galay madaxweyha Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiiska Khiyaanada Qaran ah ayaa waxa uu ku saabsanaa Maxkamaddii Caalamiga ahayd ee ku gudo jirtay Qaadidda Dacwadii Xaduudda Badda ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICG-ga ayaa ku dhawaaqday in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay bilaaban doonto Bisha Sebtember ee sanadkan.

Waqtiga dacwada ay furmi lahayd ayaa ah waqti uu Xasan Sheekh u dagaalamayo inuu dib usoo noqdo, isagoo CABSI iyo wal-wal ka muujinayey in dacwad baaxaddan leh in xilligaasi ay bilaabato.

Sida ay ilo Khuburo ah oo ay wax ka waydiisay u sheegeen Warbaahinta Puntlandes waxay u badnayn 99.5% inay Soomaaliya ku guulaysato, iyadoo ay lasoo deristay Uhuru Kenyatta WEL-WEL uu la seexan kari waayey Habeenadii maadaama ay kusoo fool leedahay sanadka soo socda Doorasho uu doonayo inuu difaacdo Kursigiisa.

Madaxweyha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh ka CODSADAY INUU CAAWIYO OO DACWADDA UU DIB UGA DHIGO ILAA 2018ka, codsigaasna Xasan Sheekh orod ayuu ku AQBALSAY QALINKA UGU DUUGAY isagoo aan labada dhinacba eegin.

Heshiiskan SIRTA ah ayaa ah mid aad u wayn oo ah Khiyaano Qaran, laakiin waxaan iminka jirin Cid la Xisaabtamaysa madaxweyne Xasan oo u maamula Soomaaliya sidii Shirkad uu iska leeyahay.

Waxaase Khubaradu iswaydiinayaan inay Saamayn karto rabitaanka madaxweyne Xasan Shiikh uu ku doonayo in dib loo soo Doorto bisha sebtember ee inagu soo socota!!

Puntlandes.com

About The Author