Dhagayso: Bosaso oo Gacta saartay Wadadii Horumarka

11 June 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha magaalada Bosaso Eng Yaasiin Mire Maxamed oo safar shaqo ku tagay magaalada nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay inuu balanqaad fulin Mashaariic badan uu ka helay safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo hay’ado katirsan QM.
224-4c1
Eng Yaasiin ayaa waxaa uu sheegay mashaariicda inay ka mid yihiin Garoomo Kubadda Cagta, Kubadda kolayga , Xarun Dhalinyaro, Boosteejo Gaadiidka Gobolada iyo Degmooyinka u baxa, Goobo Dalxiis oo xeebta laga hirgaliyo iyo adeegyo kale.

Gudoomiyaha ayaa caddeeyey in dhawaan sanadkan 2016 la fulin doono dhamaan Mashaariicdan, ayna qayb ka yihiin mashaariicda 2016-ka.


Puntlandes.com

About The Author