Sawiro: Dirie Foundation oo Deeq Raashin ah ku qaybisay Garoowe

12 June 2016 (Puntlandes) Mu’asasad khayri ah oo lagu magacaabo Dirie Foundation ayaa 11/06/2016 waxay raashin qaybin ka samaysay magaalada Garoowe ee , raashinkan ayaa loo qaybiyey qoysas danyar ah.

Agabka la qaybiyey ayaa ka koobnaa jiscin dhamaystiran looguna tala galay in lagu gudbo bisha barakaysan ee Ramaadan.

 

Munaasabadan ayaa ku dhacday jawi wanaagsan iyadoo ay shaqadaasi si firficoon u gudanayeen howlwadeenada hay’ada.

 

Hay’adan ayaa loogu magac daray Diiriye Maxamed Cabdille oo ahaa nin ka soo jeeda qoys magac ku leh halgalkii gobanima-doonka ee Daraawiishta isagoo aabihiis Maxamed Cabdille Samatar uu ka mid ahaa mudanayaashii loo yaqaanay Khusiisiga isagoo ahaa afhayeenka dhaqdhaqaaqa laguna naanaysi jiray (Af Mahdi), halka Diiriye ruuxiisa uu gabow kusoo gaaray halgankii gobanimadoonka SYL isagoo ka mid ahaa odayaashii tala-ahaan marjica u ahaa maalgalintana u qaabilsanaa gobanimadoonkii SYL, inkastoo  Diiriye Maxamed Cabdille uu ka soo jeedo yaraantiisiina ku koray deegaanada Mudug, Ciid, Doolo iyo Nugaal waxa uu ku aasan yahay gobolka Bakool gaar ahaan caasimada gobolka waa magaalada Xudur halkaasi oo uu aakhirkii ka dhigtay deegaan.

 

Hay’adan waxa unkay maalgelinteedana leh firka Diiriye Maxamed Cabdille oo ku kala nool  deegaanada Soomaalida, wadamada deriska iyo daafaha dunida.

 

Dadweynihii deeqdan gudoomay ayaa mahadcelin iyo duco isugu daray hay’adan, gaar ahaan sida xirfadaysan ee ay howshan u maareeysay madaxa xafiiska hayada Dirie Foundation ee Soomaaliya Marwo Fatxiya Maxamuud Diiriye.

 

” Maanta waxa Ilaahay inoo fududeeyey in aan fulinno qeybta koowaad ee barnaamijka Hay’adan ee Ramadanka” ayey tiri marwo Fatxiya, iyadoo ku dartay in ay socon doonaan mustaqbalka mashaariicdan oo kale bilaha Ramadanka haddi Eebe idmo.

 

Hay’adan ayaa loo aasaasay in ay wax ka qabato arimaha anfaca u leh aadanaha sida Nabada, La dagaalanka saboolnimada, Harumarinta deegaanka iyo Arimaha bulshada (Waxbarashada iyo Caafimaadka).

 

Hay’adan xarunteeda dhexe waa caasimada dalka isutaga Boqortooyada ee London.

 

Daawo sawirada Munaasabadii ay Hay’ada Dirie Foundation ku qaybisay Raashinka

225-5

225-5a

225-5a1

225-5a2

225-5a3

225-5a4

225-5a5

225-5a6

225-5a7

225-5a8

225-5a9
Puntlandes.com

About The Author