Falanqaynta Puntlandes.com: Akhriso Qoraalada Garowe online oo Fari ku godan tahay!!!

 

16 June 2016 (Puntlandes) Garowe online oo uu leeyahay wiilka madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyey noqday meel aan laga fiirsan waxa lagu qorayo, lagagana shaqeeyo Xasilooni daro laga abuuro Puntland.

124e

Tusaalaha koowaad ee ay Warbaahinta Puntlandes usoo qaadayso Akhristayaasheeda ayaa waxa uu yahay shaxdii lagu qaybiyey inta Xildhibaan ee Dawlada Goboleed kasta kasoo gelaysa oo la saxiixay 31 Maajo ama 31 May 2016ka waxa uu Garowe online u qoray in madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu saxiixay Shaxda 31 Maarso ama 31 March 2016ka taasoo aan xaqiiq ahayn oo aad ka arki doontaan lifaaqa sida Shaxda ku cad. Waxa uu sii qoray Garowe online in Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarlke uu Warqada Shaxda keenay Garowe 25kii Maarso 2016.

225-8d

Halkan ka akhriso Qoraalkii ay Warbaahinta Puntlandes ka qortay

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka uu Garowe online ka qoray oo ku leeyahay waxa uu Gaas saxiixay ka hor Heshiiskii Garowe ee DFS iyo Puntland ee 3dii April 2016

225-8c2

http://www.garoweonline.com/so/news/somalia/gaas-oo-heshiiska-45-saxiixey-inta-uusan-u-sheegin-shacabka-puntland-akhri

Shalayna waxa uu Garowe online qoray maqaal uu ku AFLAGAADAYNAYO Xildhibaanada Puntlad isagoo ku tilmaamay CALOOSHOOD u shaqaystayaal dantooda oo kaliya ka shaqeeya ee aan hayn danta ummadda, maadaama ay “la Xisaabtami waayeen madaxweyne Gaas”!!

Halkan hoose ka akhriso Qoraalka uu Garowe online ka qoray Xildhibaanada Puntlad

225-8c1

http://www.garoweonline.com/so/news/puntland/kalfadhiga-37aad-ee-barlamanka-puntland-oo-furmey

Waxaa iswaydiin mudan markii Faroole uu madaxweynaha ka ahaa Puntland Garowe online muxuu ku sheegi jiray Xildhibaanada Puntland. Waxaa la xusuustaa Faroole oo Caayey Xildhibaan su’aal kaliya waydiiyey kadibna ka saaray Baarlamaanka Puntland…… muxuuse ka qoray arintaas Garowe online?

Waxay kaloo Garowe online ka shaqaysaa Amni xumo iyo iska horkeenka shacabka iyo dawladooda.

225-9c2

Hoos ka akhri qoraal dheer oo ay ka diyaarisay Garowe online Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Gallan iminka qaswade ka ah Gobolka Bari iyadoo ay gadaal ka riixayaan Kooxda DAMUL JADIID oo waqti iyo maalba ku lumiyey sidii ay u burburin lahaayeen Puntland.
Daawo-Dhagayso Gudoomiyihii hore oo ay DAMUL JADIID soo dirsatay oo ay Garowe Online kala shaqaynayso Fidnada uu ka wado Puntland

Garowe online waraysi ay ka qaaday Gallan waxa uu ku sheegayaa inuu diyaarsaday wax uu ugu yeeray Ciidan uu ku qabsanayo Puntland, waxaana kaba sii daran taas Garowe online oo u jiibinaysa Gallan oo sheeganaya inuu soo qaban doono madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas kadibna uu Maxkamad soo saari doono!!!!CAJIIB tani ma Saxaafad Xor ah baa mise waa mid FIDNO iyo Amni Khal-khal gelin ka shaqaynaysa.

Garowe online waxay iyadoo iska horkeenaysa Shacabka iyo dawlada u isticmaashay Qoraalkan hoose in “ay dawlada Puntland ay weerar ku qaaday guriga Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari”

225-8d1

225-8d2

Garowe online ayaa waxay noqotay Saxaafadda kaliya uusan Puntland Sharcigeedu qaban, maxaa yeelay har iyo habeen waxay ka shaqaynaysaa Fidno iyo kicin shacab mana jirto talaabo ay dawlada Puntland ka qaado. Maxay tahay sababta ay Garowe online uga sarayso Sharciga ma Faroole ayaa madaxweyne kasoo noqday Puntland mise waa awood kale oo ay leedahay oo aysan lahayn Saxaafadda kale ee ka jirta Puntland? Sharciga soow in loo sinaado maaha?

Ugu dambayntii muwaadin kasta oo reer Puntland waxay dantiisu ku jirtaa ka shaqaynta midnimada iyo Nabadgalyada Puntland, Mucaaradnimona maaha in shacabka iyo dawlada la iska horkeeno ama in shacabka la marinhabaabiyo oo waxaan jirin lagu kiciyo.

Qoraalada aan Mucaaradnimada ahayn ee Garowe online ay wado Far baa ku godan, lamana fahmi karo waxay kaga macaashayso iyo faa’iidada ugu jirta midna!!!

Kaalintii Maamulka Gobolka Nugaal & Gudoomiye Faraweyne

Waxaa meesha ka baxday Kaalintii Maamulka Gobolka Nugaal gaar ahaan Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Col. Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne oo uu Faroole adeer u yahay, isagoo masaakiinta Cayrsada aanna la hadli karin Ina Faroolaha iska leh Garowe online!!!

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Col. Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne ma saanuu cadaalad u yaqaanaa mise sheekadu waxay ku biyo shubatay hadalkii Foosha xumaa ee ahaa “FIQI TOLKII KAMA JANO TAGGO” oo Ina adeerkiis waa u xor inuu waxuu doono ku hadlo kana shaqeeyo Amni xubo, kana sii daayo Idaacaddiisa in madaxweynihiisa lasoo qabanayo oo la Maxkamadaynayo!!!CAJIIB

Puntlandes.com

About The Author