Dhagayso: Yuu matalaa Xildhibaan Yaasin Seed ma reer Mudug mise Dam Jadiid?

22 June 2016 (Puntlandes) Xildhibaan Yaasin Seed oo ka mida Xildhibaanada Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug ugu jiray Baarlamaanka DFS , kaasoo loo xulay Xubinimada 2012kii.

Baarlamaanka DFS wuxuu ilaa iminka ku salaysan yahay habka qabaliga ah 4.5, isagoo Xildhibaan Yaasin Seed ka mida labada Xildhibaan ee Beelaha Cumar Maxamuud ku leeyihiin Baarlamaanka DFS.

226-3

Xildhibaan Yaasin Seed hal wax oo la taaban karo uma qaban dadka uu matalayey 4tii sano ee uu Xildhibaanka DFS ahaa wuxuuna ka agdhawaa Kooxda Xasan Sheekh ee Damul Jadiid, isagoo ka qayb qaatay jiray ridida Raysul wasaarayaashii kala ahaa Raacid iyo Cabdiwali iyadoo ay labada reer Puntland taageerayeen inaysan Kooxda Dam Jadiid ka qaadin xilka.

Waxaa ah su’aal dad badan oo waxgarad ah oo reer Mudug ah ay iswaydiinayaan Xildhibaan Yaasin Seed ma wuxuu matalaa Kooxda Damul Jadiid mise reer Mudug, Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya? Waxaa jawaabta cad ay tahay inuu matalay Kooxda madaxweyne xasan Sheekh ee DAMUL JADIID.

Hadaba ma doonayaan reer Mudug inay Kooxda DAMUL JADIID ay soo noqoto oo uu dib loo doorto Xasan Sheekh? Jawaabtu waa maya.

Xildhibaan Yaasin Seed; Gaalkacyo waa inay hal maamul yeelataa!!!

Xildhibaan Yaasin Seed oo shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo aya isagoo fariin u diraya Kooxda DAMUL JADIID waxa uu yiri gaalkacyo ma kala qaybsanaan doonto waxaana isoo dhaweyey dadka Gaalkayo oo aan kala qaybsanayn ”waxaan doonayaao inay hal maamul yeelato gaalkacyo” waa hadalkii Cabdikariim waa su’aale ma sacad iyo Cabdikariim ayuu mooday inay siinayaan Kursi Baarlamaan mise reer Puntland iyo Beelaha Cumar Maxamuud  CAJIIB!!!


Dhagayso Xildhibaan Yaasin Seed oo shhegaya inuu gaalkacyo hal maamul ku midaynayo!!(M3)


Puntlandes.com

About The Author