Dhagayso: Gallan oo Aqbalay inuu Dhibka joojiyo nabadna qaato

22 June 2016 (Puntlandes) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Gallan oo maalinkii shalay la yimid Ciidan uu hogaaminayo magaalada Carmo iyo nawaaxiga Bosaso ee Gobolka Bari ayaa waxa uu Aqbalay inuu Nabadda qaato.
226-2c5
Waxaa xalay iyo saaka kulan la yeeshay Nabadoono, wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Puntland, waxaana kulankaas u jeedkiisu ahaa baajinta dhiig daata.

Wasiiro iyo masuuliyiin ay isku beesha yihiin Gudoomiye Gallan ayaa kala ahaa Wasiirka Qorshaynta Dawlada Puntland Shire Xaaji Faarax , Wasiir kuxigeenka Ganacsiga Cabdirisaaq Nuur Cumar, Mudane ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland Beeldaajiyaha Guud Beelaha Cali Saleebaan.

Nabadoon Maxamed Quurshe oo ka mid ah Waxgaradka waanwaanta qaybta ka ah ayaa maanta mar u waramay Radio Daljir sheegay in Gallan uu u sheegay in uu ogal yahay wixii waxgaradku soo go’aamiyaan.


Dhagayso Nabadoon Maxamed Quurshe oo ka hadlaya

Puntlandes.com

About The Author