Daawo Video: Wafdi ka Socday IGAD & Itoobiya oo Maanta beledweyne kula Kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

22 June 2016 (Puntlandes) Wafdi uu Hoggaaminayo Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Amb. Maxamed Cabdi Afay oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Jen Gabre ayaa maanta waxay booqdeen magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo kulan Saacado qaatay la yeeshay Ugaaska Beesha xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
226-3b
Kulankan oo ahaa mid si gaar ah u dhaxmaray Ugaaska iyo wafdiga socday IGAD iyo Itoobiya, ayaa markii uu soo dhamaaday Waxaa Shir jaraa’id wada jir u Qabtay Danjire Maxamed Afeey iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo xusay sheegay in ay ka wadda hadleen inta badan siddii loo dhaqaajin lahaa dhismaha dowlad gobolleedka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

”Runtii waan ku faraxsannahay in aan maanta soo booqano Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo siweyn noo soo dhaweeyay, guud ahaan waxaan ka wadda hadalnay xaalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan maamul gobolleedyada sameysmaya ee dalka, iyo in gobolka Hiiraan oo ah gobol taariikh fog leh uusan ka harin, wax badan is afgarad ayaan ka gaarnay, wixii dhimanna dib ayaan uga balannay” ayuu yiri danjire Afey.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa siddoo kale sheegay in qodobadii ay ka wadda hadlleen isaga iyo wafdiga isku afgarteen, inkastoo sidda uu hadalka u dhigay wali arrimo badan dhiman harsan yihiin oo waqti kale loo balamay, waxaana uu intaa ku darray in wax walba leysku afgaran karo haddii aan arrimo kale sidda uu hadalka u dhigay soo dhaxgalin.
;
Puntlandes.com

About The Author