Dhagayso-Sawirro: Shirka Madasha wadatashiga qaran oo galabta ka furmay magaalada Baydhabo

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigii uu  hoggaaminayey  ayaa galabta 22-Jub-2016 magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga qaran oo halkaasi galabta ka furmay.

Shirka ayaa waxaa iyana kasoo qayb galay madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul-wasaaraha dawaladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali, Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte, Guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Federaalka iyo labadiisa ku-xigeen, Madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha martida loo yahay ee Shariif Sheekh Aadam iyo madaxweynaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo xubno ka kala tirsan golayaasha dawladda Federaalka iyo dawlaha xubnaha ka ah.

Ujeedka shirka ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayey sidii loo dhammaystiri lahaa dhammaan hawlaha la xiriira arrimaha doorashooyinka sida hawlgelinta guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo dejinta qorshe hawleedkooda shaqo oo ay kamid yihiin tababarrada iyo socdaalladooda.

Sidoo kale muddada uu shirku socdo ayaa waxaa isna barbar socon doona shir kale oo u dhexayn doona Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka, kaas oo lagu lafa guri doono aragtida beesha caalamka ee doorashooyinka iyo ballanqaadkooda la xiriira maalgelinta dhaqaalaha ku bixi doona doorashooyinka.

Saddexda maalmood ee shirku socdo ayaa la qorshaynayaa in laysa meel dhigo dhisidda iyo habraaca guddiga khilaafaadka oo ay ka mid tahay ansixinta qorshaha shaqo iyo hawl-maalmeedka guddiga, sidoo kale waxaa looga hadli doonaa dhammaystirka iyo  asixinta liiska 135-tii oday dhaqameed ee Soomaaliyeed kuwaas oo soo xulay baarlamaanka hadda jira.

Sidoo kale dib u eegista dastuurka federaalka oo Garoowe lagu qaban doono iyo ansixinta dhismaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaan doona arrimaha shirka looga hadlayo muddada kooban ee uu socon doono.

Madaxweynah dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka Madasha khudbad kooban ka jeediyey ayaa sheegay in uu shirka u  rajeynayo in ay kasoo baxaan qodobbo dan u ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay hoggaamiyayaasha soomaaliyeed in ay muujiyaan bisayl siyaasadeed isla markaana ay danta gaarka ah uga tanaasulaan danta guud isagoo sabab uga dhigay in taasi  ay tahay tan keliya ee wada deeqda guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Dhegeyso khudbaddii Madaxweynaha Puntland


1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18
Puntlandes.com

About The Author