XOG: Waan waan meel fiican maraysa & Xaalada Degmada Carmo oo degen

23 June 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes oo la hadashay Joob-Joogayaal aad xog ogaal ugu ah Xalaada Degmada Carmo oo uu Talaadadii uu malayshiyo la soo galay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa waxay sheegeen in xaaladu ay aad u degen tahay.

226-2c5

Wax dagaal ah oo maanta ka dhacay Degaanka Bookhle oo hoos taga Carmo ma jirto, sida ay xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes.

Ciidamo aad u fara badan oo ka kooban Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa Carmo iyo agagaarkeeda gaaray halkaasoo ay shalay subax ka baxeen Malayshiyadii uu hogaaminayey Gallan ee soo galay Talaadadii, iyagoo uga baxay dhanka Degaanka Bookhle.

Sida ay xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes saaka ayaa Sahan ka mid ah Ciidanka Puntland iyo Sahan ka mid ah Malayshiyada Gallan waxay isku waydaarsadeen Rasaas kooban agagaarka Degaanka Bookhle, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada dhinac.

Waxaa xaalada si sharaf leh u xakameeyey Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka beelaha Cali Saleebaan iyagoo meel uga soo wada jeestay in laga hortago in Dhiig reer Puntland ah daato.

Beeldaajiyaha Beelaha Cali Saleebaan iyo Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dawlada Puntland ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta qaybta lixaadka leh ka qaadatay dadaalka nabadeed ee iminka socda.

Bahda Warbaahinta Puntlandes waxay Bogaadin iyo amaan u dirayaan  Wasiirada, Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Isimada, Nabadoonada iyo waxgaradka beelaha Cali Saleebaan iyo dhamaan inta qaybta ka ah in laga hortago inuu Dhiig reer Puntland uu si macno daro ah ku daato, yacni nin Xil laga qaaday dartiis uu u daato.

Puntlandes.com

About The Author