Madaxweynaha dalwadda Puntland maalintii labaad magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirka Madasha wadatashiga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23-Jun-2016 magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirka madasha wadatashiga qaran oo maalintii labaad halkaasi ka soconaya isla markaana ay maanta qayb ka ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo guddiga danjirayaasha u dooda xuquuqda haweenka ee doorashooyinka oo ay guddoomiye u tahay Marwo Caasha Geelle Diiriye.

Shirkaan ayaa waxaa ka horreeyey kulan gaar ah oo u dhexeeyey Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamka, kaas oo diiradda lagu saarayey  hannaanka doorashooyinka iyo sidii loo ilaalin lahaa waqtiga yare ee kadhiman xilliga doorashooyinka.

Kulanka  intii uu socdey ayaa Madasha iyo beesha caalamku waxay isku af-garteen in doorashadu ay xilligeedii qabsoonto isla markaana aan la aqbali doonin in ay wax muddo kororsi ah samaysato hay’ad ka mid ah hay’adaha dawladda, sidoo kale Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamku waxay soo jeediyey in laga fogaado wax walba khilaaf ku keeni kara hannaanka doorashooyinka.

Dhinaca kale shirkii madasha wadatashiga ee saaka ka furmay xarunta madaxtooyada maamulka koonfur-galbeed ayaa waxaa diiradda lagu saarayey oo keliya sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda haweenka oo ah boqolkiiba soddon (%30) kuraasta baarlamaanka in ay noqdaan haween.

Guddiga danjirayaasha u dooda xuquuqda haweenka  ee doorashada ayaa madasha kasoo jeediyey khudbado ay si qoto dheer ugaga hadlayeen sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo kuraasta haweenka ee baarlamaanka, sidoo kale waxay madasha kusoo bandhigeen shax muujiaysa beel walba oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed  inta kursi oo ay haweenku ku yeelan doonaan, taas oo ka-dhigan in tirada guud ee kuraasta haweenku ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka ay noqon doonto 80-kursi.

Shirka ayaa kusoo idlaaday jawi deggan waxaana lagu ballamay galabta in markale dib laysugu yimaado isla markaana shirku uu halkiisa ka sii socdo si geba gebada ay uga soo baxdo natiijo wanaagsan oo ay ku wada farxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ah dadka quud-darraynaya siyaasadda dalka.

 

IMG_7017IMG_7020IMG_7021IMG_7025IMG_7029IMG_7035IMG_7040IMG_7044IMG_7052IMG_7057IMG_7065IMG_7072IMG_7076IMG_7079IMG_7095IMG_7101IMG_7105IMG_7107IMG_7109IMG_7116IMG_7118IMG_7119IMG_7124IMG_7125IMG_7126IMG_7127IMG_7130

About The Author