Sawirro: Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

23 June 2016 (Puntlandes) Taliyaha <Ciidanka Booliiska DFS Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Munaasabadii xiritaanka tababarkaasi waxaa goob joog ka ahaa taliyaha booliiska Soomaaliya, dhiggiisa dalka Jabuuti iyo saraakiil kale.

Taliyaha ciidanka Booliiksa Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabaddii xiritaanka tababarkaasi ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay tababarrada ay u fidiso ciidamada booliiska Soomaaliya.

Jeneraal Xaamud wuxuu kula dardaarmay ciidamadaasi iney shaqadooda ku dabaqaan aqoonta ay ka kororsadeen tababarka ay soo qaateen ugana faa’iideeyaan ciidamada kale een fursadda u helin tababarkan oo kale.

347BH0A4759BH0A4776BH0A4828BH0A4829BH0A4830

Puntlandes.com

About The Author