Uganda oo shaacisay inay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya sanadka 2017

Dowladda Uganda ayaa shaacisay inay qorsheyneyso in ay Ciidamadeeda ka qaybta ah AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay la baxayso bisha December ee sanadka 2017.

221-9a

Taliyaha Ciidamada Uganda General Katumba Wamala ayaa u sheegay idaacadda BBCda inay go’aansadeen inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, kadib markii ay ka niyad jabeen Ciidamada Soomaaliya iyo Saaxibada Beesha Caalamka.

Uganda ayaa ahaa dalkii u horeeyay ee Ciidamo u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii, kuwaasoo ku hawl bilaabay magaca AMISOM, waana dalka ugu badan ee Ciidamadiisu ku howl galaan AMISOM.

Puntlandes.com

 

About The Author